Dhageyso:-Dowladda Somalia oo shaacisay khasaaraha ka dhashay qarixii Caawa+Sawirro

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qarixii khasaaraha gesytay ee Caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa, waxana uu ka dhacay Maqaaxi dhawaan la furey oo ku taalla dhabarka dambe ee Shineema Somalia  oo ka soo horjeeda baar Italia  ee Isgoyska Shaqaalaha.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo shir Jaraa’id Wariyeyaasha u qabtay ayaa sheegay in Gaariga uu ahaa mid Wadada marayey,isla markaana sidaasi uu ku qarxay balse aan la ogeyn halka uu ku wajahnaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku geriyoodeen 4 ruux halka 7 kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen dhammaantood dad Shacab ah oo maqaaxida fadhiyey.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dadka soo abaabulay qaraxaas iyo qorshaha laga lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.

About Radio Dalsan Reporter

View all posts by Radio Dalsan Reporter