Muuse Biixi “Golaheyga Wasiirada waxaa u badan dhalinyaro Somaliland wax ku baratay oo aanan qayilin”

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay  Maanta xilli uu ka qeyb galayey Munaasabad ay ku qalin jebinayeen Arday ka baxday Jaamacadda Camuud.

Muuse Biixi ayaa sheegay in inta badan xubnaha Golihiisa Wasiirada ay yihiin Dhalinyaro wax ku baratay deegaanada Soomaaliland,isla markaana aan qaadka(jaadka) Cunin.

“Waxaan maqli jirey in wasiiradii hore inta badan lagu tilmaami jiray Odayaal da’ah oo daalan laakin aniga dadaal aan sameeyey ayaan golaheyga Wasiirada u badiyey dhalinyaro dalka wax ku baratay,laakin Odayaal iyo qurba joog weey ku jiraan waxaase ka badan dhalinyarada gaar ahaan kuwa aqoonta leh,hadii xilligihii hore da’ la sheegi jiray hadda waxaa nagula eedeeyaa maxay yihiin dhalinyaradaan?qaadka ma cunaan miyaa ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Dhammaan dadkii ka qeyb galayey munaasabada Qalin jebinta ayaa wax badan iska weeydiiyey hadalka Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ee ku aadan in Golihiisa Wasiirada ay yihiin dhalinyaro reer Soomaaliland ah oo wax baratay.

Si kastaba markii loo doortay Madaxweyne Muuse Biixi talada Soomaaliland ayaa waxa uu magacaabay 32 wasiir iyo ku xigeenno,iyada oo magacaabistaas ay aad u soo dhaweeyeen inta badan Shacabka deegaanada Soomaaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor