Boliska magaalladda Eagan ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa sheegay in Nin Soomaali ah lagu dilay toogasho fiidnimadii xalay ka dhacay magaalladaasi.
Marxumka la dilay oo la oran jirey Isaaq C/raxmaan Aadan ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Is-rasaasayn dhex martay isaga iyo xubno ka tirsan Boliska.
Sida laga soo xigtay Baarayaasha waxay sheegeen inay Saraakiisha toogteen Marxuumka, xilli ay baacsanayeen, isago owatay qori, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Saxafi ka tirsan Warbaahinta KSTP ayaa sheegay inuu arkay Saraakiisha Boliska oo isku gedaamay halkii uu ku sugnaa Marxuumka, lana toogtay, markii uu diiday inuu qoriga iska dhigo.
Taliyaha Boliska ee magaalladda Eagan, Roger New ayaa isagana sheegay inay dhowr saacadood isku tijaabinayeen inay Marxuumka wada-xaajood la galaan, balse ay ku guul-daraysteen.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay ka shaqeynayaan sidii laagu ogaan lahaa tirada Saraakiisha Boliska ee rasaasta furtay, waxayna Hay’adda Dembi-baarista Boliska ee Gobalka Minnesota wadaan baaritaankooda, iyagoo dib u eegayaan haddii ay dhacdadaasi duubeen Kaamerooyinka Video-ga ee ku xirnaa jirka Ciiddankii ku lugta lahaa Toogashadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Marxuumka oo 23-jir ahaa ayaa la sheegay inuu dhaawacyadii soo gaaray ugu geeriyooday Isitaalka Regions Hospital.