Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaalia qaasatan midka ay wataan dadka Diblumaasiyiinta ah ee tagaya dalkaas.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in lagu guuleestay in Norway ay aqoonsato Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan midka Diblomaasiyiinta.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay cadeysneyso horumarka laga gaaray Dib u habeenta arimaha Socdaalka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka