Kulanka Golaha Shacabka ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, iyada oo inta badan mudanayaasha Baarlamaanka ay xaadir yihiin kulanka.
AJandaha Maanta looga hadlayo kulanka ayaa ah arrinta ku saabsan dhiibistii dowladda ee Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya oo Ururka ONLF u aqoonsatay in ay yihiin Urur Argagaxiso.
Ilaa 50 mudane ayaa Maanta isqoray kuwaas oo ka hadli doona dooda ay ka qabaan arrintas,waxaan haatan khudbeeyay ila 10 Mudane.
Sidoo kale waxaa jira Xildhibaano difaacaya dowaldda kuwaas oo ku raacsan Go’aanka dhiibista Qalbi-Dhagax iyo in uu Ururka ONLF yahay Urur Argagaxiso.
Wariyaheena Farxiyo Muraad oo ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ayaa ka Warbixineysa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Farxiyo Muraad