Magalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland,waxaa maalmahaan ku sugan Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo saraakiil kale,kuwaas oo ka wada Shaqooyin gaar ah.
Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland Gaashaanle Sare Mowliid Axmed Yaasiin ayaa sheegay in ciidamada booliska degmada Afmadow ay u Shaqeyaan sida Millateriga oo kale.
Waxa uu uga digay inay noqdaan kuwo laga cararo balse waxa uu ka codsaday inay noqdaan kuwo si wanagsan dadka ugu Shaqeeeya,isla markaana si cadaalad ah u guta waajibkooda.
Waxa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ay ugu diyaarsan yihiin sugida amniga deegaanada ay ku sugan yihiin ee ka tirsan degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland.