Waxaa weli dagaal xoogam uu ka socdaa deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud halkaas oo uu dagaalka ku dhexmarayo laba maleeshiyo beelood oo halkaasi wada dega.
Dadka deegaanka Kaxandhaale ayaa waxa ay soo sheegayaan in dagaalka uu bilaawday Saakay 7:00 Subaxnimo,isla markaana la isku deegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Xildhibaan Maxamed Yaxye Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay mid soo laablaabtay,hayeeshee uu sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah loo joojiyo.
Dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanka Kaxandhaale ayuu sheegay in ay isku-heystaan maleeshiyaadka dagaalamaya,waxaana Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxda Galmudug uu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan joojinta dagaalkaas.
Marka laga soot ago hadalka Xildhibaanka ayaa wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka ka socda deegaanka Kaxandhaale ay dhimashadu ay mareyso 4 ruux dhaawacuna uu ka badan yahay.