Dhageyso:-Dagaal khasaaro geystay ka dhacay degmada Balcad

Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo uu wato guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug iyo Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Balcad Yuusuf Cali Meyraale ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu sigaar ah uga dhacay koontoroolka lagu Magacaabo Yarow Farxaan oo ku yaalla dhanka Waqooyi ee marka laga baxayo degmada Balacad.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in labada masuul ay isku  khilaafeen lacagaha laga qaado koontoroolka ku yaalla Kulanka Yarow Farxaan,waxana la xaqiijiyay in dagaalkaas uu hal ruux ku geeriyooday laba  kalena ay dhaawacmeen.

Weli mas’uuliyiinta dagaalka uu ku dhexmaray degmada Balcad iyo madaxda sare ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe kama hadlin dagaalkaas,waxana xaalad kacsanaan ah weli laga dareemayaa degmada Balcad.

Wariye Cabdullaahi Shire oo ku sugan Balcad ayaa sharaxaya sida ay Maanta degmada wax uga dhaceen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor