Sawirro:-Faah faahin: Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Gudaha Kaalin lagu iibiyo Shidaalka,isla markaana baakin u ah Maqaayad lagu Magacabo Baar Italia oo dhawaan laga furay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho.

Wariyeyaasheena oo goobta tegay ayaa waxa ay soo sheegayaan  in ay arkeen dhimashada qof haweeney ah iyo dhaawaca laba ruux oo goobta laga qaaday,kuwaas oo Haweeney ay ka mid aheyd.

Majirto cid sirasmi ah loola beegsaday qaraxaas,hayeeshee waxaa dad goobta tegay ay sheegeen in gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf uu qarxay,isla markaana uu sababay khasaaro dhaawac ah.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa gaaray Goobta,waxaa sidoo kale xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor