Dhageyso: Dadka Beledweyne oo Dalsan uga waramay fatahaadaha magaalada

Qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa radio Dalsan uga warbixiyay nolosha magaalada iyo dhibaatada ay u geysteen fatahaadaha magaalada saameeyay.

Dadka deegaanka waxa ay codsaden gurmad deg deg ah si loo caawiyo dad badan oo dhibaato ay u geysten fatahaadaha.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayay gurmad kooban u fidiyay dadka magaalada balse weli baahi weyn ayaa ka taagan Beledweyne sida dadka deegaanka ay Dalsan u sheegen.

Cudurka Shubanka ayaa ka dilaacay magaalada Beledweyne kadib markii biyo badan ay fariisten xaafadaha magaalada.

Dowlada Soomaaliya weli wax gurmad ah ma aysan u fidin dadkan ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Halkan hoose ka dhaceyso wareysiga:-

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor