Xalay fiidkii ayay aheyd markii Xaafada koodka ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir kooxo hubeysan ay ku dileen nin Ganacsade ahaa oo Magaciisa lagu sheegay Muuse Mackow.
Dilka kadib ayaa waxaa Goobta gaaray,isla markaana howlgallo ka sameeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay qabteyn dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa sheegay in Ciidamadu ay 24 Saac heegan yihiin isla markaana ay qabteyn dadkii ka dambeeyay dilkii ka dhacay Xamarweyne.
Waxa uu sheegay in dadkii loo qabtay dilkaas la geeyay Saldhigga Booliiska Galbeed isla markaana baaris ay ku socoto.
Gudoomiye yariisow mashaacin tirada dadka loo qabtay dilkaas,balse waxa uu cadeeyay in Hay’addaha amnigu ay baaris ku hayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Yariisow.