Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab geystay Khasaaro hantiyeed oo Maanta ka kacay Guri ku yaalla ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dabkan ayaa waxaa la sheegay in marka hore uu ka kacay Guri,isla markaana uu kusii fiday Guryo kale oo ku yaalla halkaas,waxaana sidoo kale goobta ka Agdhawaa Dugsi Qurโaan,iyadoona uu socday Saacado badan,hayeeshee markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabkaas.
Qof kamid ah dadkii goobjooga ahaa xiliga uu dabka kacaayay oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dabka uu geystay Khasaaro hantiyeed oo badan,isagoona sheegay in gabi ahaanba uu baabiโiyey Gurigii uu marka hore ka kacay Dabka.
Hoos ka Dhageyso Codka Goobjoogaha oo sharaxaad ka bixiyay dabkaas.