Baarlamaanka dalkaasi waxay maanta u codeeyeey in Isbedel lagu sameyo Sharciga Haysashadda Qoryaha ama hubka Darandooriga u dhaca, iyadoo ay 119 Xildhibaan u codeeyey, halka hal Xildhibaan uu ka hor yimie Codeyntaasi.
Ansixintaasi ayaa timid, kadib, markii uu Gacan-ku-dhiigle lagu magacaabo Brenton Tarrant uu 15-kii bishii hore ee March Toogasho ku dilay 50 Muslimiin ku tukanaysay 2 Majid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalkaasi.
Eedeysanaha falka geystay oo u dhashay dalka Australia waxa uu ka mid yahay Kooxaha Cunsuriyadda ee rumeysan inay Caddaanka sarreeyaan.