Culumada,Waxgaradka iyo Dhalinyarada ku nool koonfur Magalada Gaalkacyo ayaa Maanta bilaabay Socdaal ay ku doonayaan in lagu qaado kooxo maleeshiyad ah oo isbaarooyin soo dhigta Wadooyinka soo gala Magaalada.
Kadib markii ay dukadeen Salaadii Khudbada Jimacha ayaa socdalkooda waxa ay ku soo mareen goobihii ay maleeshiyaada dhigteen isbaarooyinka halkaas oo ay ku xyiran yihiin Gaadiid sida badeecooyin kala duwan.
Qaar ka mid ah Culumada iyo waxgaradka oo hadlay ayaa wax ay sheegeen in hadii maleeshiyaadkaas isbaarada ay dhigteen qaadi waayaan ay awood u adeegsan doonaan,isla markaana la dagaalami doonaan.
Waxa ay ka dalbadeen madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug inay waxka qabtaan maleeshiyaadka isbaarooynka soo dhigtay duleedka Gaalkacyo ee gaadiidka ka qaadaya lacagaha faraha badan.
Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah dadkaas.