Dhageyso:- Ciidamo loo dirayo deegaanadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) ayaa ka hadlay heshiiskii isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ku gaareen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in dhibaato kasta oo horay u dhacday ugana dhacday deegaanada maamulka Galmudug ay dhamaatay islamarkaana dhamaan la furi doono Wadooyinkii ku xirmay dagaaladii horay u dhex maray Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Xaaf,ayaa hadalkiisa intaas ku daray in deegaanada ay hada dagaalada ka socdaan ee Bariga Goblka Mudug loo diri doono Odayaal iyo Saraakiil Ciidan si ay xal uga gaaraan dagaalada u dhaxeeyo labada Maleeshiyo Beeleed.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Cadaado ay hesiis ku wada saxiixdeen Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana heshiiskaas Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)

Hoos Ka Dhageyso Codka Xaaf:-

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media