Dhageyso:-Amisom oo isku fureysa Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo

Gen. Cusmaan Nuur Subagle taliyaha Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Somaaliya ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in howlgalka ay bilaabi doonaan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan taasna ay kulamo kala duwan ay la qaateen Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaliya la iskuna afgartay.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Amisom ay ka Go’an tahay in ay isku furaan deegaanada ay Go’doomiyeen Al-Shabaab,islamarkaana Amisom ay si dhaqsi leh u furi doonaan Wadada xiriirisa muqdisho iyo Magaalada Baydhabo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media