Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dagaalo khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay ay ka dhacayeen Xaafada Kaawa godey qeybta degmada Dharkenley,waxana dagaaladaas ay saameyn ku yeesheen dadka ku nool degmadaas.
Dagaaladaas ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 Ruux,waxana haatan la sheegayaa in Maamulka degmada Dharkenley uu ciidamo kala dhex dhigay Maleeshiyadka dagaalamay oo iskuheysta dhul Xaafada Kaawa godeey ku yaalla.
Taliyaha Saldhigga degmada Dharkenley Khaliif Cabdulle Maalin oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa sheegay in maleeshiyaadkaas wada dagaalamay lakala dhex dhigay Ciidamo.
Waxa uu sheegay taliyuhu in Saraakiil ka tirsan Ciidanka boolisa ay halkaasi tageen,isla markaana ay suurtagashay in ciidamadii lakala qaado haatana uu socdo qorsho hubka looga dhigayo maleeshiyaadka qaarkood oo aan ka tirsaneyn Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka ka dhacay Xaafada Kaawa godeey ee degmada Dharkenley ayaa ahaa mid u dhaxeeyey laba maleesho beelood oo doonayay in ay lacag ka qaataan dhul halkaasi ku yaalla oo uu dhismo ka socdo iyo kuwa kasoo horjeeda waxaana maamulku ay sheegeen in ay dhibaato ku qabaan maleeshiyad hub ku wata gudaha degmada,isla markana dagaalka qeyb ka ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhiga.