Ciidada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Howlgalladaan ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayay dhanka amniga sida uu Warbaahinta u sheegay taliyaha Guutada lixaad ee ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle Carab.
Waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamadu inta badan ka sameeyeen tuulooyinka Warmaxan, tixsiile iyo Bilweyne iyo deegaano kale in kastoo uusan sheegin waxyaabo ay ku qabteen howlgalkaas.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka taliyaha