Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Ciidamada howlgalka ay sameeyeen ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay inta udhexeeysa Degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan,isla markaana Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaa Gobolkaasi.
Taliyaha Qeybta 27 aad ee Ciidamada Xooga Dalka Jenaraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ku guuleysteen,isagoona sheegay in Al-shabaabkii joogay kabaxeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.
Sidoo kale Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan Al-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Taliyaha Qeybta 27 aad ee Ciidamada Xooga ayaa kormeer ugu tagay dhalinyaro tababar uga socda Gobolka Hiiraan,kuwaasi oo mid noqonaya Ciidamada Xooga dalka,isagoona u jeediyay dardaaran.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa mararka qaar inta u dhexeeysa Degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ka fuliya Weeraro Jid-gal ah,waxaana dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan ay Mas;uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliye Tareedisho.