Dhageyso:-Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ay  ku dagaalameen deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa yimid kaidb markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid Gobolka Galgaduud ay Al-Shabaab Wadada u galeen xili ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Ilkacade iyo Ceel-Gaal ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku gubeen Gaari ay lahaayen Ciidamada Itoobiya balse waxaa Warkaas beeniyay taliska ciidanka Booliska Baladweyne.

Taliyaha Qeybta Booliiska Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dagaalkaas khasaaro farabadan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab isla markaana uusan jirin warka ka soo baxay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media