Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa Al-shabaab kula wareegay deegaano ka tirsan gobolka Bakool kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay waxaana ka dhashay kasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha ciidanka dhulka ee Soomaaliya Gen: Odawaa Yuusuf Raage oo dhankiisa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen sida uu yiri xoraynta dhul ay ku sugnayeen Alshabaab.
Dhinaca kalana taliyuhu waxa uu cadeeyay in ay sii soconayaan howlgalada kuwii ugu dambeeyana waxa uu sheegay in ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.
Halkaan Ka Dhageyso Codka