Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee qaabilsan miina-baarka ayaa Maanta waxa ay qarixiyeen Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la geliyey Isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir Cabdi Kariin Cali Kaar ayaa sheegay in Miinadaas ay ka warheleen in Goobta la dhigay,isla markaana ay ku wargeliyeen Ciidamada Booliska qeybtooda Miina-Baarka,sidaasina lagu qarxiyey.
Waxa uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen Al-Shabaab,iyaga oo doonayey inay Shacabka soomaaliyeed ku laayaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu uga mahad celiyey Ciidamada Miina-baarka sida ay ugu guuleysteen fashilinta miinadaas la dhigay Isgoyska Bakaaraha,isla markaana qarixiyey,iyada oo aan cidna waxba ku noqon.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag.