Sawirro:-Xisaabtan Shaqo oo lagu bilaabay Maxkamadaha Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa maanta oo Axad ah kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Waaberi e gobolkan Banaadir.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Howlwadeenada Maxkamadda,wuxuuna war bixin ka dhegeystay Madaxda Maxkamada iyo Guud ahaan Shaqaalaha Maxkamadda Degmada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu ahaa sidii uu ula socon lahaa howlaha Shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir Maxkamadaha iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha Maxkamadaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay  ka Go’an in ay helaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir Garsoor hufan oo ugu shaqeeyaa Caddaalad iyo sinaan u heli lahaayeen.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah,ayaa lagu yiri Warka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Maxkamadaha dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor