Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa lasoo sheegayaa in ay xilligaan ku xayiran yihiin degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya,ka dib dagaaladii u dambeeyey ee ka dhaca deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ku dhawaad 200 oo ruux oo soomaali ah kana soo cararey deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Oromada ayaa la sheegay in ay iminka ku sugan yihiin Xerada Guji oo ay degan yihiin Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Itoobiya.
Cali Sheekh oo ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in mudo 5 Maalmood ah ay Xeradaasi ku xayiran yihiin,isla markaana ay heystaan dhibaatooyin kala duwan horayna looga qaatay wax allaala wixii ay heysteen.
Waxa uu sheegay in inta ay xeradaas ku sugan yihiin ay ku umuleen 5 Haween ah,sidoo kalena ay jiraan Carruur intii ay dagaaladu socdeen ay ka lumeen.
Dagalada u dhaxeya Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada dalka Itoobiya ayaa sii daba dheeraaday,waxana dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu amray in ciidamo Boolis iyo Millateri la geeyo goobaha ay dagaalada ka dhacayaan.
Hoos Ka Dhageyso Mid ka mid ah dadka Xeradaas ku xayiran.