Afhayeenka Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland Feysal Xiis oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Boqor Buurmadow uu ku dhaqaaqay falal qarandumis ah taasoo uu sheegay inay hayaancadeymahooda.
Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Boqor Buurmadoow ay la tiigsan doonaan maxkamad maadaama uu sheegay in falalka uu ku dhqaaqay ay yihiin kuwo liddi ku ah qarannimada Somaliland,isla markaana uu faafiyay warar been ah oo sal iyo raad toona aan lahayn.
Waxa uu hadakiisa intaas sii raaciyay afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland in Boqor Buurmadow lagusoo qabtay warqad waaran ah,kadib markii Boqor Buurmadow uu tegay Puntland Iyada oo inaysan jirin cid u fasaxday.
Ma ahan wax ku cusub in deegaannada Soomaaliland lagu xiro dad lagu eedeynayo in ay kas oo horjeedan Qaranimada Maamulkaas,waxana weli u xiran Abwaan Naciimo Abwan Qorane iyo Maxamed Keyse Bigeeye oo labaduba lagu eedeeyey in ay ku dhaqaaqeen waxyaabo lidi ku ah qaranimada soomaaliland sida ay hadalka u dhigeyn Madaxda Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland Feysal Xiis.