Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxa ka dhacay Banaanbax looga horjeedo Hadal habeen hore uu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa isugu jiray Odayaal,Caruur,Haweeyn,dhalinyaro iyo xubno kale oo kamid ahaa dadka reer Cadaado,isla markaana waxaa ay ahaayeen kuwa aad uga careysan Go’aankii uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in Dhuusamareeb taallo Gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Sidoo kale inta uu Banaanbaxa socday ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Cadaado,isla markaana waxaa ay sheegeen inay qaadaceen Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Xasan Cali Kheyre sheegay in lagu qaban doono Dhuusamareeb.
Waxaa kaloo ay tilmaameen Odayaasha dhaqanka Cadaado in aysan ka qeyb gelin doonin shirkaas,waxaana dowlada Federaalka ugu baaqeen in reer Cadaado ay helaan cadaalad.
Sikastaba shalay ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalada Cadaado ku dhawaaqeen in aysan ka qeyb geli doonin Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre uga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb.
Hoos ka Dhageyso Codka qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Cadaado.