Dhageyso:-Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ka shiraya Miisaaniyadda Maamulkaas ee Sanada 2018

Magaalada Jowhar  ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta kulan ku leh Xildhibaanada Maamulkaas,iyada oo la horgeyn doono Hindise Sharciyeedka Maaliyadda Miisaaniyadda ee Sanada 2018.

Kulanka Maanta ayaa waxaa la horgeyn doonaa Hindise sharciyeed la xiriira Maaliyadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Wasiirka Maaliyadda Hir-Shabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay ka sokow ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabeelle Saddex Hindise Sharciyeed ay hadana Maanta oo Talaado ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle horgeyn doonaan Miisaniyadda Sanada 2018.

Wax uu sheegay in mudada yar oo ay jiraan tan wixii ka dambeeyay markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay Shaqooyin farabadan qabteen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media