Dadka kunool Magaalada Muqdiso aya waxa ay arrgtiyo kala ka dhiibteen Go’aankii dowlada Kenya ku amartay in Safiirka Soomaaliya u joogay dalkaasi dib loogu soo celiyo Muqdisho.
Waxa dadka kunool Muqdisho sheegeen in Go’aankaasi uu yahay mid aan wanaagsaneyn,isla markaana dowladaha Soomaaliya iyo Kenya yihiin dad uu ka dhexeyo Xiriir diblomaasiyadeed.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ay deriska yihiin dhinaca Waqooyi inay u aqoonsadeen Dowlad caddow ah, kadib, markii ay xaraashtay xuduud-baddeedka Kenya ee ay ku jiraan Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya soo saartay ayaa lagu sheegay in Shirkii London ka dhacay bishan 7-dii ay Somalia ku soo bandhigtay Khariidad muujinaysa qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka ay Somalia iyo Kenya ku murunsan yihiin.
Dhinaca kale Safiirka u joogay Soomaaliya Dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,kadib markii lagu amray in dalkaasi uu isaga baxo.
Hoos ka Dhageyso Codka Shacabka Magaalada Muqdisho oo ka hadlay Go’aanka dowlada Kenya.