Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta Shir ka furay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdisiis Xasan Lafta-gareen iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa Maanta si rasmi ah Magaalada Baydhabo ka daahfuray Wadatashiga Wareegga Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Wadatashiga maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa lala yeelanayaa Bulshada Qeybaha kala duwan iyo Hay”adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen  ayaa Mudooyinkii dambe Magaalada Baydhabo ka waday wadatashiyo uu la sameeynayo Bushada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media