Dhageyso:-Aqalka Sare oo Guddi u magacaabay xalinta khilaafka Madaxda Dowladda

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xashi Cabdillaahi ayaa Magacaabay guddi bilaabaya xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda,sigaar ah Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ka kooban 7 Xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Aqalka Sare,waxana ay xal u raadinayaan khilaafka maalmahaan ka dhexjira Madaxda ugu sareysa dalka.

Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu u kuurgalay xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka in uu magacaabay Guddigaas.

Waxa uu sheegay in Guddigaads uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu kalsoon yahay in ay xal waara ka gaara khilaafka Madaxda Dowladda,iyada oo aysan noqon kuwa dhinac raaca.

Dhageyso Codka Xoghayaha Golaha Aqalka Sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor