Saraakiisha Ciidamada Amisom iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay kawada hadleen Qorshaha iskaashi ee dhanka amniga ee u dhaxeeya AMISOM iyo Maamulka Gobolka Banaadir kadib kulan ay ku yeesheyn Aqalka Dowlada hoose ee Viisha-Gofeyrno.
Madaxa Howlgalka Midowga Africa Faransisco Madera Taliyaha Ciidankaas iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Cumer Cismaan yariisow ayaa isla falanqeeyay hanaanka iskaashi ee AMISOM iyo Maamulka Gobolka,waxaana ay isku raaceyn in Howlgal Midowga Africa ee Somalia uu door ka qaato arimo ay kamid tahay sugida Amaanka Muqdisho.
Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa kulanka kadib Suxufiyiinta la wadaagay qorshaha Amisom ee Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho,iyo Doorkooda Amaanka Caasimada.
Dhowr jeer oo hore ayaa Hogaanka Gobolka iyo Mas’uuliyiin katirsan Xukuumada waxa ay AMISOM kala hadleen qorshaha la doonayo In ciidanka AMISOM uga baxaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho,inkastoo wali aysan suura galin in wadahadalada loo badalo ficil balse mas’uuliyiintu waxa ay rajeenayaan in qorshahaa lagu guuleysto.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.