Imaaraadka oo dalkeeda ka masaafurisay Nin u dabaal-degay Muslimiintii lagu dilay New Zealand

Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga masaafuriyey dalkaasi sababo la xiriira isagoo u dabaal-degay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay  lagu xasuuqay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo masaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebook-ga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay,  una dabaal-degay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu masaafuriyey Ninkaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media