Ciidamada Al Shabab ayaa isaga baxay deegaanka Yasooman oo ku dhaw degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.
Korneel Maxamed Cumar oo ka tirsan saraakiisha dowlada Soomaaliya ayaa Dalsan u sheegay in Al Shabab ay deegaanka isaga baxen islamarkaana ay dib u qabsaden ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.
Ciidamada Al Shabab ayaa khamiistii weerar xoogan ku qaaday xerada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan oo qayaastii 300 KM u jira Muqdisho,waxaana halkasi ka dhashay khasare xoogan.
Dowlada Soomaaliya,AMISOM iyo Itoobiyan dhimashada waxa ay ugu badnaan ku sheegen 240 Al Shabab ah halka Al Shabab ay sheegten iney dilen 60 Itoobiyan ah.