Gudoomiyaha deedaanka Yaaq-bariweyne ee Shabeellaha Hoose Cabdi-casiis Maxamed Afdhuub ayaa sheegay in dhibaatooyin caafimaad ay ka jiraan deegaanka, islamarkaana uu ka dilaacay cudurka Shubanka oo far ba’an ku haya dadka dagan Yaaq-bariweyne.
Afdhuub ayaa sheegay in cudurka Shubanka ay deegaankaasi ugu geeriyoodeen maalmihii aanu soo dhaafnay 10-ruux, islamarkaana hada ay la jiifaan dadkale oo uu sii ritay cudurkaasi.
Cabdi-casiis Maxamed Afdhuub Gudoomiyaha deegaanka Yaaq-bariweyne ayaa tilmaamay in goob caafimaad uusan lahayn deegaanka, taasoo ka sii dareysa Xaalada, waxaana uu ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi caafimaad ee ka jira Yaaq-bariweyne.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.