Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh oo u Amba baxay Dalka Turkiga (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Dowlada Federaalka Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa jimcihii maanta waxaa uu u amba baxay Dalka Turkiga,Masuuliyiin katirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro iyo xildhibaano ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyey Xassan Sheikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qoyskiisa ay ku wehlinayaan Socdaalkiisa Turkiga,Waxaana Madaxweynihii hore uu sheegay in safar gaaban uu ku tagayo dalka Turkiga, kadib dalka uu dib ugu soo laaban doono.

Xassan sheikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa looga adkaaday doorashadii 8-feberaayo ee Sanadkaan,waxaana uu Xafiiska wareejiyey 16-kii isla bishii Feberaayo,iyada oo 4-tii bishan March loo dhaariyey Xildhibaanimo.

Halkaan hoose ka Daawo Sawirada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media