Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa saakay waxaa ka soo taagay 10 ruux oo ku eedeeysan kiiskii Arxan darrada ahaa ee isugu jira kufsi iyo dil ee Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Allaha u naxariitee Caa’isha Ilyaas Aadan.
Hayeeshee Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhageysiga Dacwada kiiskii eedeeysanaaysha,isla markaana todobaadka soo socoda dib loo dhageysan doono.
Sababta ka dambeeysay in dib loo dhigo Kiiskiina ayaa ah,kadib markii qareennada u doodayay Ragga lagu eedeeyay falkii isugu jiray kufsigii iyo dilkii ee loo geystay Marxuumad Caa’isha ay dalbeen in la siiyo Waqti ku filan oo ay kusoo ogaadaan xogata dhabta ah.
Magaalada Gaalkacyo dhinac Puntland ayaa waxaa fal arxan darra ahaa loogu geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka,taasi oo lagu magacaabay Allaha u naxariitee Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd 12-sano jir.