Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ayaa beeniyay wararka sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadna Cadde lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland,Shaafi Raabi kaasi oo ka soo laabtay shirkii dhawaan lagu qabatay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
Waxa uu sheegay Wasiir Oomaar in aan Garoonka Diyaarahada aadan Cadde lagu xirin Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland,islamarkaana sheegay wararka la isla dhexmaaya ee ku aadan xarigaan uu been yahay.
Dhinaca Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland,Shaafi Raabi ayaa isna sheegay in uu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha aan Cadde uuna xuryahay,balse sheegay in uu ka yimid Safar dheer,uuna ku sugan yahay Muqdisho,waxaana been abuur uu ku tilmaayay wararka sheegay in isga la xiray.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Wasiirka