Boolis Ka Socda Maamul Gobaleedyada oo lagu wareejiyay Isgooysyada Qaar ee Muqdisho

Warar aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamo Boolic ah oo ka socda maamul-gobaleedyada dalka ka jira in lagu wareejiyay amaanka magaalada Muqdisho iyada oo laga qaaday ciidamadii Dowladda Soomaaliya ee horay ugu sugnaa Isgoysyada muhiimka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka howl gelayeen ciidankaan.

Ilo lagu kal soonaan karo oo ay ku jiraan Saraakiil amni ayaa dalsan u xaqiijiyay in ciidankaan oo muda 3-Bil aah tababar uu uga socday dalka Jabuuti soona dhamaystay haatan in lagu soo celiyay magalada Muqdisho si ay uga howl bilaabaan.

Ciidankaan qaar kood ayaa la dhigay Isgooysyada muhiimka ah ee gobalka Banaadir halkaas oo ay ka bilaabi doonaan waajibaadkooda ku aadan sugidda Amaanka magaalada .

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii Xasilinta waxa ay ka daad guraysay magaalada Muqdisho iyada oo dib logu celiyay xeryahoodii halka maalmihii la soo dhaafayna magaalada lagu arkayay ciidamo aan badnayn oo sugaya amaanka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor