Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kasoo degtay diyaarad sida dhaawacyada dadkii shacabka ahaa ee shalay ku waxyeeloobay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Diyaarada ayaa dadka dhaawacmay kasoo qaaday Garoonka Balad-xaawo, kuwaasi oo la sheegay in xaaladooda Caafimaad halkaas wax looga qaban waayay, taasina ay keentay in loo soo qaado dhinaca Muqdisho.
Dhaawacyada ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde looga soo qaaday gaadiidka Gurmadka deg-deg ah, isla markaana waxaa la dhigay Isbitaalka Madiino, si loogu dabiibo xaaladooda Caafimaad.
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyooday qarax shalay ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taalla Suuqa xoolaha ee Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, halka 9 qof kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoona la xusay in dhammaan dadkaas ay ahaayeen shacab.