Qaraxaan ayaa jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir,waxana uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid Gaari lagu xiray,isla markaana uu ka dhacay Xaafada 1-da Maaj ee degmada Waaberi.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhaawacmay Nin la sheegay in uu ka mid yahay Agaasimo qeybeedyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Cismaan Dheere.