DFS oo shaacisay in uu isku soo dhiibay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in uu iskusoo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab kaas lagu magacaabo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole magaciisa afgarashada {Caato} waxaana Al-shabaab u qaabilsan maaliyaada Gobolka shabeelaha hoose.

Sida ay daabacday waxbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ninkaan ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in sarkaalkaan ay soo dhaweeyeen  islamarkaasna ay u gudbindoonaan Hay”adaha ku shaqadaleh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media