Deni oo ka hadlay Safarkiisii Kenya Kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaas ayaa ka warbixiyay safarkiisii uu dalka kaga maqnaa, waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira  xaaladda ammaan ee Punland.

Siciid Cabdulaahi deni ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee shacabka Puntland ay usoo dhaweeyeen, iyo sida ay ugu dul qaateen waddooyinka loo xiray imaanshahiisa, waxaana uu sheegay in uu ku maqnaa howlo qaran oo safarkiisu uu ahaa mid ku aaddanaa saraf dan u ahaa shacabka Puntland.

Waxaana u ka mahad celiyay habsami u socodkii shirarkii Muqdisho ka dhacay ee Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladdaha xubnaha ka ah, kaasi  oo lagu go’aamiyay  nooca doorasho ee la doonayo in ay dalka ka dhacdo dhammaadka saandkaan iyo billowga sanadka soo aaddan.

“Waxaan maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaan ka mahadcelinaya sida wanaagsan ee aad iisoo dhoweyseen.Runtii howl Qaran ayaan ku maqnayn oo laga sameeyey horumar laga filayey, waxaan u mahadcelinaya Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladdaha xubnaha ka ah shaqadii wanaagsaneyd ee la qabtay ee ku saabsaneyd in dalkan ay Doorasho ka dhacdo” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kale Deni aya ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, waxaana shacabka Puntland uu ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Al-shaab, isagoo sheegay in Ciidanka Puntland ay heegan ugu jiraan sidii ay Shabaab uiga saari lahaayeen degaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shaaab oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka fuliya gudaha Maamulkaasi.

Waxa intaasi ku daray in loo baahn yahay in Puntland ay isku tashato, ammaankeedana ay sugato, waxaaana, shacabka iyo Ciidanka uu ugu baaqay in ay sila shaqeeyaan.

Degaanno ka tirsan Puntland ayaa waxaa awood muuqata kuleh dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana tiro dhowr jeer ah ay ka fuliyeen falal lid ku ah ammaanka, waxaana madaxda iyo Saraakiisha Ciidanka Puntland ay ku dhawaqeen dagaal ka dhan ah Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay shabaab ka dagaalamaan dhulak Buuralayda ah ee Maamulkaasi.

Comments
Loading...