Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Kismaayo iyo ujeedka

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed  General Cabaas Amiin Cali oo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka Taliyaha ayaa waxaa ku weheliyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dhulka Soomaaliya, waxaana uu kormeer ku tagay Xeryaha Ciidanka ay ku leeyihiin Kismaayo, halkaasi uu la kulmay Taliyaasha Ciidanka, waxana warbixin guud uu ka dhagaystay Saraakiisha.

Talitaha ayaa si gaar ah u Kormeeray Isbitaalada Ciidanka Xoogga, waxaana uu si gaar ah uu ugu kuurgalay Xaaladda Caafimaad ee ay ku sugan yihiin Ciidanka.

General Cabaas Amiin Cali Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedkiisu uu ahaa kormeer guud oo ku aaddan Xaaladaha Ciidanka Xoogga eek u sugan Kismaayo, waxaana uu sheegay in ay waxbadan uu k ogaaday Qaabka shaqo iyo kan Nololeed ee ay ku sugan yihiin Ciidanku, waxaana intaas uu ku daray in ay jiraan baahiyo kala duwan oo haysta Ciidanka, kuwaas oo uu sheegay in ay wax kaqaban doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mgaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidan farabadan, kuwaas oo dagaal kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana jira Nidaamin ku socota Ciidanka qaybohooda kala duwan ee ku sugan Jubbaland, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Jubbaland iyo Daowladda Federaalka, inkastoo hadda uu jiro isu soo dhawaasho u dhexeeya Dowladda iyo maamulk Goboleedka Jubbland, waxaana la xaliyay khilaaf soo jiitamayay in mudda ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media