Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi u diray Eheladii, qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi.
Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo.