Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray amar ku aaddan qaabka Shirkadda DP-World ay u qaaddo lacagaha kasoo xarooda Dekadda Boosaaso, waxaana is beddel lagu sameyn doonaa qaabkii loo qadi jiray dakhliga Dekadda.
Deni ayaa amray in Dakhliga dekadda Boosaaso kasoo xarooda lagu shubo Akoon ay leedahay dowlad Goboleedka Puntland, waaxana xusid mudan in Dakhliga horay loogu shubi jiray Akoon ay leedahay Shirkadda DP-World, taasi oo gacanta ku haysa maamulka dekadda.
Lama oga sababta keentay in isbeddel lagu sameeyo Akoonka ay ku dhici jirtay lacagta kasoo xarooto dekadda Boosaaso ee xarunta ganacasiga puntland.
Waxaana horay Deni uu u  amray in Lacagaha Cashuuraha ah ee laga qaado Dekadda Boosaaso lagu qaado lacagta Dollarka, iyadoo la joojinayo ku qaadista Shilin Soomaaliga, waxaana taa baddelkeeda lagu qaadi doonaa Dollar sida uu amray Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.