DEGDEG: Taliyihii ciidamada Booliska oo caawa lagu dilay weerar ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka aanu ka helna magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in caawa weerar lagu dilay taliyihii ciidamada Booliska Shabeelada Dhexe.

Weerar ahaa Bam gacmeed ah ayaa lagu tuuray xarun uu ku sugnaa guriga taliye Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa keenay inuu u dhinto taliyaha oo si weyn ugu waxyeeloobay qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii geystay weerarka ay baxsadeen,  iyadoo ciidamo la geeyay goobta falku ka dhacay.

@RadioDalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor