DEGDEG:  Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo loo magacaabay Xasan Cali Kheyre

Madaxweyne Farmaajo ayaa Waaberigii hore ee saakayto waxa uu xilka Ra’isul-wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Khayre oo ah Qurbo-jooge haysta dhalashadda dalka Norway.

Guddoomiyaha BFS, Prof. Jawaari ayaa goobjoog ka ahaa goobta uu Madaxweynuhu ku magacaabay Ra’isul-wasaaraha.

Ra’isul-wasaaraha cusub  waxaa uu horey Madax uga ahaa Golaha Qaxootiga Norway ee Norwegian Refugee Council (N.R.C),  waxa kale oo uu ahaa Wakiilka Shirkadda Shidaalka ee Som Oil and Gas ee Bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul-wasaaraha cusub ayaa ah nin Dhallinyaro ah oo aan Carbis Siyaasadeed lahayn, inkastoo uu muddo ku soo dhex  jiray Hawlaha Samafalka Aadminimo.

Ra’isul-wasaaraha cusub waxa uu dhashay sannadkii 1968-kii.

Waxaan xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media