Iyadoo ay hadalo xasaasi ah la isla dhex marayo oo ku aadan Qoyska Boqortooyadda ee dalka Britain ayaa waxaa shaqaalaha Qasriga Boqortoyadda ee Buckingham Palace  sheegeen in ninka qaba Boqoradda uu ka degi doono Waajibaadkii Boqortooyadda.
Kulan Degdeg ah ayaa la isugu yeeeray subaxnimaddii maanta ee Xilliga Britain, iyadoo la hadal hayo xaalladda Caafimaadka ee Boqoradda Elizabeth II oo 91-jir iyo Prince Philip oo 96-jir ah.
Prince Philips oo bisha June u dabaal degi doona 96-guuradii Dhalashadiisa ayaa la filayaa inuu sii wado inuu Hawlaha Dadweynaha ka qeyb galo ilaa laga gaarayo bisha August ee sannadkan.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Qasriga Buckingham Palace ayaa lagu sheegay in uusan Prince Philips (The Duke) oggolaan doonin Casuumaad cusub ee booqashadda iyo hawlah, inkastoo uu dooran karo inuu ka qeyb galo Hawlaha Bulshadda ilaa waqti-ka-waqti.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Prince Philips taageero buuxdo ka haysto Boqorada go’aankaasi, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inay qaado dhamaan Barnaamijka Hawlaha rasmiga.
Prince Philip waxa uu guursaday Boqoradda sannadkii 1947-kii, xilligaasi oo ahayd Dhaxal-suge ama Amiirad
©Radio Dalsan