Kulan labada Aqal ee Baarlamaanka uga socda magaalada Muqdisho ayaa la isku raacay lix qodob oo ka mida Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Lixda Qodob oo qaarkood cod loo qaaday ayaa waxay kala yihiin:
1= In tirada Guddiga doorashada Madaxweynaha ay noqoto 16 mudane, oo 10 xubnood ay ka imaaneyso Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay ka imaanayaan Aqalka Sare.
2= In Guddiga Doorashooyinka Heer federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha dalka.
3= In ciidamada ammaanka ee xaqiijinaya nabadgelyada Doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
4= Lacagaha laga qaado Musharaxiinta madaxweynaha kala bar (50%) lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.
5= In musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha su’aalo dood wadaag ah la weydiiyo.
6= In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuqmaasuqa Doorashada.\
@RadioDalsan