Xildhibaano kasoo horjeeda go’aankii gudoomiyaha baarlamaanka ee uu ku laalayay mooshinkii madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa iminka waxaa ay kulan ku qaadanayaan magaaladda muqdisho.
Mudanayaasha kulanka qaadanaya ayaa kawada hadlaya go’aanka ay ka qaadanayaan Arintan maadaama uu gudoomiye Jawaari uu sicad u sheegay in Mooshinkaasi la gabagabeeyay.
Xildhibaan cabdi barre ayaa ku dhawaaqay in go’aankoodii ay ku taagan yihiin islamarkaana mooshinka uu dhaqan gali doono balse ma uusan shaacin qaabka uu ku dhaqan galayo.